Patient Education Ilmahaaga oo Aad Dhakhtar u Dooratid

Ilmahaaga oo Aad Dhakhtar u Dooratid Helitaanka Dhakhtar Weydii qoyskaaga, saaxiibadaa, umulisada, iyo dadka kula shaqeeya magacyada dhakhtaro ilmo. Waxa kale oo aad wici kartaa Mount Carmel oo laga helo 614-898-MOMS (6667) si aad u heshid dhakhtar u dhow gurigaaga oo aqbalaya caymiskaaga. Weydii shirkadda caymiska kuwa ay yihiin adeegyada uu qorshahaaga caymisku dabbiri doono. Sameysashada Ballanta Koobaad Waxa aad u baahan tahay inaad dooratid dhakhtar ka hor inta aanad dhalin ilmaha. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu horeeya ee lagu weydiin doono marka aad tagtid cisbitaalka marka fooshu bilaabanto waa magaca dhakhtarka aad ilmahaaga u geyn doonto ka dib marka uu dhasho. Ballan hadda sameyso si aad u aragtid dhakhtarka. Dhakhtarka oo aad la kulantid ka hor wakhtiga foosha waxay kaa caawin doontaa inaad ku kalsoonaatid doorashadaada. Marka aad sameysanaysid ballanta, hubso in dhakhtarku ku jiro dhakhaatiirta uu aqbalsan yahay qorshahaaga caymisku. Soo ogow kharashyada booqasho ilmo jirran iyo ilmo caafimaad qaba labadaba. Xoogaa Su’aalo ah oo Aad Weydiisid Dhakhtarka Ilmaha Su’aalaha Xafiiska: • Immisa jeer ayaad rabtaa inaad ilmahayga u aragtid hubin caafimaad? • Ayo ayaan arki doonaa wakhtiga booqashada? • Ma arki doonaa isla dhakhtarkii hore booqasho kasta? • Ma dhakhtarka ayaan la hadli doonaa ama kalkaaliso marka aan xafiiska soo waco aniga oo qaba su’aal ama dhibaato? • Maxay yihiin noocyada hawl-sii-wadid ee aad leedahay saacadaha aan xafiisku furnayn? • Mudo intee leeg ayay qaadanaysaa inaan ballan helo haddii ilmahaygu jirran yahay? • Mudo intee leeg ayay qaadanaysaa in ballan loo helo booqasho ilmo caafimaad qaba? • Waa kuwee cisbitaalada aad tagtid? • Ma heli karaa qoraalo daabacan oo ku saabsan xafiiskaaga iyo daryeelka ilmaha yar? • Ma jiraan goobo sugitaan oo gooni kala ah oo loogu talogalay ilmaha xanuunsanaya iyo ilmaha caafimaaq qaba? Su’aalaha Daryeelka Ilmaha: • Waa maxay dareenkaaga ku saabsan naas-nuujinta iyo ku quudinta caanaha dhalada? • Waa maxay ra’yigaaga ku saabsan gudniinka wiilasha? • Waa kuwee waxyaabaha daryeelka maqaarka ee ay tahay inaan ku isticmaalo ilmahayga? • Waa maxay tallaalka cagaarshowga/jooniska nooca B, oo ma waxa ay tahay inaan siiyo inta uu ku jiro cisbitaalka? • Goorma ayaad ku talinaysaa in lagu bilaabo cunto adag? Haddii Aad Qorsheynaysid Inaad Naas-nuujisid, Waxa aad rabi doontaa Inaad Weydiisid Su’aalahan • Waa maxay ra’yigaaga ku saabsan ku quudinta caano dhalo oo kaabis ah? • Ma naas-nuujin karaa marka aan qaadanayo dawo? • Haddii ilmahayga uu ku dhaco ciladda midab hurdi/jaale ah, ma naas-nuujin karaa? Dhawr Su’aalood oo Ay Tahahy Inaad Adigu ka Jawaabtid ka Dib Booqashadaada • • • • • Xafiisku ma ii dhow yahay? Saacadaha xafiisku ma haboon yihiin? Ma laga jawaabay su’aalahayga? Ma dareemay in la i dedajinayo wakhtigii wareysiga? Dhakhtarka ma isla oggolaanay mawduucyada ku saabsan quudinta ilmaha, gudniinka, iyo tallaalka cagaarshowga/ jooniska nooca B? LM 1101-10-15