Patient Education Bartaan Si Ay U Naasnuujiyaan

Akadhamiyada Dhakhaatiirta Caruurta ee Maraykanka (American Academy of Pediatrics) iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunku waxay ku talinayaan inaad ilmahaaga siisid kaliya caanaha naaska 6-da bilood ee ugu horeeya, ka dibna loo bilaabo cunto aan hoore ahayn isla markaana la sii wado naas-nuujinta ugu yaraan 1 sanno iyo in allaale inta ilmahaaga iyo adigu aad rabtaan. Haddii aad haysatid ilmo caafimaad qaba oo mudo buuxda ku dhashay oo si fiican naaska u jaqa, caadi ahaan ma jirto baahi loo qabo in la siiyo caanaha dhalada ee kaabista ah. Marka la naas-nuujiyo oo aan wax kale wehelin ama la siiyo caanaha naaska ee la soo lisay, waxa: • Aad ilmahaaga siinaysaa nafaqada ugu fiican quudin kasta • Waxa aad ilmahaaga u oggolaanaysaa inuu barto inuu si fiican u jaqo naaska • Waxa aad gargaar ka geysanaysaa in la helo kayd caano oo buuxa • Waxa aad yaraanaya dararka naasaha ee xanuunka leh • Waxa aad taageeraysaa habka difaaca jidhka ee ilmahaaga yar • Waxa aad yareynaysaa halista xasaasiyadaha ama alerjiyada ee ilmahaaga yar Quudinta ah caanaha naaska ee toos ah ee ka imanaya naaska hooyada ayaa markasta ka fiican wax artifishal ah. Halisyada caafimaadka ee soo gaadha ilmaha yar ee aan la nuujin naaska oo aan wax kale wehelin ama aan la siin caanaha naaska oo la loo lisay waxa ka mid ah: • Cudurada ayaa ku siin badan 3 jeer marka la barbardhigo ilmaha la siiyo kaliya naaska • Waxay halis dheeraad ah u yihiin cudurada habka difaaca jidhka sida alerjiyo, canbaar, sonkorow iyo midhicir bararsan (American Academy of Pediatrics, 2012) 1